Wednesday, June 17, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in muddo xileedka dawladdu uu yahay 5 sano

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in mudda xileedka dowladda ee ku cad dastuurka la ansixiyey sanadkii 2012 ay tahay 5 sano, isagoo tilmaamay in sidaas darteed dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ay sharci ahaan haysato muddo xileed dhan shan sano.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad uu ka hadlayay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo yiri:

“Waxaan arkay rag leh waqtigii dowladda waa dhammaaday, balse mudda xileedka dowladda waa 5 sano.”

Hadalka RW Xamse ayaa si toos ah uga jawaabaya doodaha iyo eedeymaha ay jeedinayaan siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo ku andacoonaya in waqtiga dowladda hadda jirta uu gabaabsi yahay, isla markaana loo baahan yahay hannaan doorasho oo hufan oo lagu beddelo.

Si kastaba ha ahaatee, weli waxaa jira mugdi ku saabsan halka uu Ra’iisul Wasaaruhu ka soo xigtay in dastuurka ku meel gaarka ah ee 2012 uu si cad u qeexayo mudda xileed 5 sano ah oo ay leeyihiin hay’adaha dowladda. Qaar ka mid ah khubarada dastuurka iyo siyaasiyiinta ayaa sheegaya in arrintaas aysan si cad ugu qornayn dastuurka, taasoo dhalisay su’aalo sharciyeed iyo dood cusub.

Dhanka kale, waxaa jira aragti kale oo tilmaamaysa in laga yaabo in hadalka Ra’iisul Wasaaraha uu ku saleysan yahay sharci hore oo uu ansixiyey Golaha Shacabka xilligii dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo ogolaanayay in hay’adaha dowladda ay xilka sii hayaan ilaa laga dooranayo kuwa beddelaya — taasoo aan si toos ah u qeexayn mudda xileed rasmi ah oo 5 sano ah.

Hadalka RW Xamse Cabdi Barre ayaa sii xoojiyey muranka siyaasadeed ee ka taagan dalka, xilli ay sii kordhayaan cadaadisyada la xiriira doorashooyinka iyo kala aragti duwanaanta u dhexeysa dowladda iyo mucaaradka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Hirshabelle oo daahfuray qorshaha horumarinta labaad ee dowlada Hirshabelle

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

Siddeed qof oo ku dhimatay diyaraad ku burburtay Maraykanka

Siddeed qof oo ay ku jiraan laba ka mid...

DFS oo war ka soo saartay safarka Ciro ee Israa’iil iyo Safaarada Qudus

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay...

Falastiin oo si kulul u Cambaareysay Safaaradda Somaliland ee Qudus laga Furay

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin ayaa si adag u...

Xiisadda ka taagan Doorashada Galmudug oo sii xoogeysayay

Waxaa markale cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles