Soomaaliland oo si adag ugu jawaabtay war ka soo yeeray Iran

Xukuumadda Somaliland ayaa si cad uga jawaabtay hadallo ka soo yeeray dowladda Iran, iyadoo sheegtay in go’aamada ku saabsan isbaahaysigeeda iyo xiriiradeeda caalamiga ah ay si madax-bannaan u gaarto.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay tahay dal dimuqraadi ah oo xasilloon, waa sida ay hadalka u dhigeen, isla markaana ku hawlan nabad, horumar iyo iskaashi caalami ah.

Waxa kale oo lagu xusay in cid kasta oo ay la samaysanayso xiriir ama isbaahaysi ay iyadu go’aansanayso, iyadoo aan la aqbalayn wax faragelin dibadeed ah.

Somaliland ayaa sidoo kale carrabka ku adkaysay in xiriirka ay la leedahay Israel uu yahay mid adag oo aan la wiiqi karin, taasoo muujinaysa jihada siyaasaddeeda arrimaha dibadda.

Dhanka kale, fariintan ayaa si toos ah loogu wargeliyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, taasoo muujinaysa muhiimadda ay Somaliland siinayso xiriirka ay la leedahay hoggaamiyeyaasha caalamka.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay sii xoogaysanayaan doodaha ku saabsan xiriirada cusub ee siyaasadeed iyo isbaahaysiyada gobolka, iyadoo Somaliland ay muujinayso inay doonayso inay door muuqda ka ciyaarto siyaasadda caalamiga ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

labo macallin oo lagu toogtay iskuul ku yaal Faransiiska

Arday ayaa la xiray kaddib markii maamule iyo macallin...

Baaritaan laga fuliyay guriga Ilhan Omar maxaa loo haystaa

Saraakiisha socdaalka ee Maraykanka ayaa baaritaan ka fuliyey guriga...

 MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

Somaliland oo Itoobiya u bandhigtay isticmaalka dekedda Berbera iyo marin-badeedkeeda

Maamulka Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu diyaarka...

12-ka Oktoobar: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed iyo halgankii ka dambeeyay

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles