Ra’iisul Wasaare Xamsa “Dowladda Federaalka ah uma xirna Garoonka Dooloow”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka iyo is dhexgalka bulshooyinka barakacayaasha ah iyo kuwa martigeliya ee magaalada Doolow, kaasi oo muhiim u ah horumarinta nolosha bulshada nugul.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in mashruucan uu diiradda saarayo hagaajinta nolosha iyo xoojinta is-dhexgalka bulshooyinka barakacayaasha iyo kuwa martigeliya, isaga oo xusay in uu qayb weyn ka qaadan doono xoojinta nabadda, amniga, iyo kobaca dhaqaale ee dalka. wuxuunna intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in la helo xal waara oo lagu taageerayo dadka danyarta ah, gaar ahaan kuwa ay saameeyeen barakaca iyo duruufaha adag.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee degan Doolow ay soo mareen dhibaatooyin badan oo ay sababeen burburkii iyo abaarihii kala dambeeyay ee dalkeenna soo maray, balse ay yihiin dad gob ah oo waqtiga adag saameeyay isaga oo adkeeyay in maanta laga bilaabo ay heli doonaan nolol wanaagsan oo barwaaqo ah, Xukuummadda DanQaranna ay xoogga saari doonto sidii looga hirgalin lahaa mashaariic wax-ku-ool ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Dowladda Federaalka ah uma xirna Garoonka Dooloow”

Mashruucan ayaa xoogga saaraya u adkaysiga isbeddelka cimilada iyo la-qabsiga saameyntiisa, iyada oo la fulinayo barnaamijyo dib-u-dejin ah, shaqo-abuur, iyo xirfad-barid kor loogu qaadayo awoodda bulshada, waxa uunna taageerayaa horumarinta Beeraha, Xoolaha, iyo dhiirrigelinta ganacsiyada yaryar si loo kobciyo dhaqaalaha dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay doorashadii ku celiska ahayd ee Galmudug

Qoraal lagu baahiyey barta Faceboog ee Maxkamadda Sare ee...

Ciidamada Jubbaland oo la wareegay xarumihii dowladda ee Beled-Xaawo

Ciidamada Jubaland ayaa si rasmi ah ula wareegay xarumihii...

DFS oo Liiska Qaran ee Cunaqabateynta Maaliyadeed ku dartay Laftagareen iyo Xubno la Xiriira

Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada...

DDS oo markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay ciidamada Soomaaliya ee galay Itoobiya

Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa markii ugu horreysay...

Maxkamadda Sare oo qabatay dacwad ka dhan ah dastuurka cusub iyo muddo kororsiga hay’adaha dowladda

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maxkamadda Sare ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles