Maraykanka oo xiray nin Soomaali ah oo lala xiriirinayo burcad-badeednimo

Dowladda Maraykanka ayaa xirtay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Said Jama Ahmed, kaas oo la sheegay inuu si sharci darro ah ku joogay dalka isla markaana uu wajahayo eedeymo la xiriira isticmaalka iyo sameynta baasaboor been abuur ah.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha Maraykanka ayaa lagu sheegay, in faro laga qaaday ninkaan laga helay xog horey looga diiwaan galiyay 2012, taasoo ah inuu ku lug lahaa burcad-badeednimo ka dhacday xeebaha Soomaaliya.

Qoraal ay soo saartay ku-simaha kaaliyaha xoghayaha wasaaradda Lauren Bis, ayaa lagu sheegay in siyaasadaha xuduudaha ee maamulka hore ay suurageliyeen in Said Ahmed Jama uu dalka soo galo oo uu sii joogo inkastoo uu la kulmay hay’adaha ammaanka marar badan.

Waxay intaas ku dartay in hay’adaha Maraykanka ay sii wadi doonaan qabashada dadka ay ku tilmaamtay muhaajiriin sharci darro ah oo dambiileyaal ah.

Sida lagu sheegay warbixinta, habeenkii 14-kii Abriil, sarkaal aan shaqo ku jirin oo ka tirsan Booliiska dalka Canada ayaa markii ugu horreysay arkay Ahmed isagoo ku socda dhanka koonfureed, meel dhowr mayl u jira xadka u dhexeeya Maraykanka iyo Kanada. Laba saacadood kadib, askari ka tirsan ciidanka ilaalada xudduuda ayaa qabtay, isagoo hadda ku jira xabsi ku yaalla gobolka North Dakota.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in Ahmed uu hore ula kulmay ciidamo milatari iyo kuwa sharci fulinta.

Bishii Maarso 2012, markabka dagaalka ee USS Halsey ayaa ka jawaabay qaylo-dhaan ka timid markab Hindiya laga leeyahay oo burcad-badeed ku qabsadeen Gacanka Cadmeed.

Koox ka tirsan Mareykanka oo howlgalka fuliyay ayaa markabka fuushay, halkaas oo ay kula kulmeen Ahmed iyo sagaal kale oo hubeysan, iyagoo afduub u haystay markabka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Wasiirrada oo ka hadlay amniga iyo la-dagaallanka Alshabaab

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Xiriirka kubada cagta Yurub oo wada dacwad ka dhana madaxweynaha FIFA

Xiriirka u dhexeeya madaxweynaha UEFA, Aleksander Čeferin (bidix), iyo...

Booliska Nepal oo shaaciyey dhimasho hor leh

Booliska Nepal oo shaaciyey dhimasho hor leh Tirada dadka...

IMO oo ka digtay soo laabashada burcad-badeedda Soomaaliya

Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO) ayaa ku baaqday...

Al-Shabaab oo sii daysay 5 xoolo-dhaqato Kenyan ah oo laga afduubtay Mandera

Shan xoolo-dhaqato ah oo Kenyan ah, kuwaas oo la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles