Sunday, June 28, 2026

Somaliland oo qabatay hub culus, kana digtay faragelin shisheeye

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigteen hub culus oo si qarsoodi ah loo soo geliyay deegaanadeeda, iyadoo lagu eedeeyay inay arrintan ku lug leeyihiin “dawlado waaweyn” oo aan weli magacyadooda la shaacin.

Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliland Cabdala Maxamed Carab ayaa  sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada ammaanku lagu qabtay hubkan, isla markaana lagu xiray tiro ka mid ah shaqsiyaadkii looga shakiyay inay ku lug lahaayeen keenistiisa. Ilo wareedyo amni ayaa sidoo kale xaqiijiyay in xubno kale oo ka tirsanaa shabakaddaasi ay baxsadeen, islamarkaana wali lagu raad joogo.

Xukuumaddu waxay caddeysay in baaritaanno qoto dheer ay socdaan, kuwaas oo lagu ogaanayo halka uu hubku ka yimid, cidda maalgelisay, iyo sida uu ku soo galay gudaha Somaliland. Mas’uuliyiinta ayaa ballanqaaday in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo ku lug lahaanshaha falkaasi.

“Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigi doonaa nooca hubka la qabtay, waddamada ku lugta leh iyo cidda fududeysay gelitaankiisa,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xukuumadda.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in hubkan uu yahay mid culus oo khatar weyn ku ah amniga, taasoo sare u qaadaysa walaaca laga qabo faragelin shisheeye iyo isku dayo lagu wiiqayo xasilloonida Somaliland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xero ay leeyihiin kurdiyiinta Ciraaq oo la duqeeyay

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka...

Nin Mareykanka ku eedeeyay Musuq-maasuq oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Cabdikariim...

DFS oo Sheegtay in Duqeymo lagu dilay  Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka...

Booliska Soomaaliya oo Xoojiyay Howlgallada Ka Dhanka ah Faafinta Anshax-xumada

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sare u qaaday howlgallada lagu...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles