Doorashadii Baydhabo oo dib loo dhigay, khilaaf xooggan oo hareeyay hanaanka doorashada KGS

Waxaa dib loo dhigay doorashadii maanta lagu waday inay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, kadib markii guddiga doorashooyinka ee muranka badan ka taagan yahay ay ku dhawaaqeen muddo kordhin cusub oo la xiriirta diyaarinta liisaska musharrixiinta.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddigaasi ayaa lagu sheegay in la kordhiyay muddada kama dambaysta ah ee soo gudbinta liisaska musharrixiinta Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka Koofur Galbeed, iyadoo hadda loo asteeyay 5-ta May 2026, halka doorashadii la qorsheeyay inay qabsoonto 28-ka Abriil dib loogu dhigay 10-ka May 2026.

Guddiga ayaa sheegay in go’aanka dib u dhigista lagu saleeyay codsi uga yimid qaar kamid ah ururrada siyaasadda, kuwaasi oo dalbaday waqti dheeri ah si ay u dhammaystiraan diyaar-garowgooda doorashada.

Si kastaba ha ahaatee, dib u dhigistan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo xooggan, kaas oo ka dhashay hanaanka loo wajahayo doorashada Koofur Galbeed. Siyaasiyiin badan ayaa si cad uga hor yimid habka ay wax u socdaan, iyagoo ku tilmaamay mid aan loo dhammayn wada-tashi iyo is-afgarad siyaasadeed.

Magaalada Baydhabo ayaa maalmihii la soo dhaafay ahayd goob laga dareemayay loollan siyaasadeed oo adag, kaasi oo u dhexeeya siyaasiyiin kasoo jeeda maamulka Koofur Galbeed iyo xubno taageero ka helaya dowladda federaalka Soomaaliya.

Xiisadda ayaa sii xoogaysatay kadib markii ciidamada taabacsanaa madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ay isaga baxeen magaalada Baydhabo, kadib cadaadis iyo abaabul ciidan oo la sheegay in lagu wajahay.

Ciidamadaasi ayaa horay u sheegay in aysan aqbali doonin doorasho aan heshiis lagu ahayn, iyagoo ku hanjabay in aan Baydhabo laga qaban karin doorasho hal dhinac loo wado.

Lama oga in muddada cusub ee loo asteeyay doorashada ay dhab ahaan ku qabsoomi doonto iyo in dib u dhac kale uu yimaado, maadaama weli aan xal rasmi ah laga gaarin tabashooyinka siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan Baydhabo.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli caddeyn sida ay u wajahdo cabashooyinka iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada taageersan Lafta-gareen, taasoo sii abuureysa walaac ku saabsan mustaqbalka doorashada iyo xasilloonida siyaasadeed ee Koofur Galbeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay doorashadii ku celiska ahayd ee Galmudug

Qoraal lagu baahiyey barta Faceboog ee Maxkamadda Sare ee...

Ciidamada Jubbaland oo la wareegay xarumihii dowladda ee Beled-Xaawo

Ciidamada Jubaland ayaa si rasmi ah ula wareegay xarumihii...

DFS oo Liiska Qaran ee Cunaqabateynta Maaliyadeed ku dartay Laftagareen iyo Xubno la Xiriira

Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada...

DDS oo markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay ciidamada Soomaaliya ee galay Itoobiya

Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa markii ugu horreysay...

Maxkamadda Sare oo qabatay dacwad ka dhan ah dastuurka cusub iyo muddo kororsiga hay’adaha dowladda

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maxkamadda Sare ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles