Muddo kordhin loo sameeyay golaha wakiilada iyo kuwa deegaanka Soomaaliland

Golaha Guurtida Somaliland ayaa goleyaasha wakiillada iyo deegaanka u kordhiyay muddo 2 sanno iyo 3 bilood ah, taas oo ka dhigan in ay kuraasta sii joogi doonaan xubnihii la doortay 31 Maajo 2021.

Go’aanka muddo kordhinta waxaa ogol ku codeeyay 72 xubnood oo ka mid ah Golaha Guurtida Somaliland oo ka kooban 82 xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha Saleebaan Maxamuud Aadan.

Golaha Guurtida Somaliland waxaa la sameeyey ka hor aasaaskii Somaliland, waxaana la sharciyeeyey 1993-dii.

Golaha Guurtida Somaliland dadkii lagu asaasay waxaa kaga jira hadda oo keliya wax ka yar 10 xubnood, iyadoo intooda badan ay geeriyoodeen, waxaana qofkii dhinta dhaxal ahaan loogu baddelaa mid kamid ah eheladiisa.

Golaha Guurtida Somaliland muddo xileedkooda wuxuu ahaa lix sano, balse ma jiro xeer loo sameeyay sida loo soo dooranayo. Golaha Guurtida Somaliland waxay muddo korarsi sameysanayeen tan iyo 1999-kii.

Aqalka Guurtida Somaliland ayaa loogu talagalay in ay xil kordhin u sameeyaan Golaha Wakiillada (Golaha Hoose) iyo Xukuumadda, haddii laga cabsado inuu khalkhal yimaado, ama xilligeedii ay ku qabsoomi weydo doorashada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo u safray Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Guddiga Doorashada oo aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee laashay doorashadii Galmudug

Guddiga lagu muransanyahay ee doorashada ayaa goordhow ku dhawaaqay...

Itoobiya oo badeshay ciidamadeeda ku sugnaa Baydhabo iyo kuwa cusub oo ay geysay Magaalada

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay beddeshay dhammaan ciidamadii...

Burburin iyo barakac xooggan oo ka socda Buulo Eelay, Muqdisho oo wajahaysa qax

Burburin iyo barakac ayaa xalay saqdii dhexe ka bilowday...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay Wasiirka UK u qaabilsan Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Muqdisho kulan kula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles