Mareykanka oo hub ka iibinaya xulafadiisa Bariga dhexe

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa xaqiijisay inay hub milataeri ka iibinayso xulufadeeda Bariga Dhexe oo laga xusay dalalka Israa’iil, Qatar, Kuwayt iyo Imaaraadka Carabta kaas oo qiimihiisa lagu sheegay wax k abadan 8.6 bilyan oo dollar.

Tani waxay imaanaysa iyadoo dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan uu galay toddobadkiisii sagaalaad, oo ay ku jirto saddex toddobaad oo xabbad-joojin aan cago badan ku taagnayd ay ka dhex dhaqan gashay dhinacyada

Iyadoo lagu salaynayo go’aankan, waxaa la ansixiyay iibinta adeegyada sahayda iyo taageerada nidaamka difaaca hawada iyo gantaallada ee Patriot ee loo dhoofinayo dalka Qatar, kuwaas oo qiimahoodu ka badan yahay 4 bilyan oo doollar, iyo sidoo kale nidaamyada hubka ee saxda ah ee horumarsan (APKWS) oo qiimahoodu yahay 992.4 milyan oo doollar.

Sidoo kale waxaa la ansixiyay iibinta nidaam isku-dhafan oo taliska dagaalka ah oo loo dhoofinayo dalka Kuwait, kaas oo qiimihiisu yahay 2.5 bilyan oo doollar, iyo iibinta nidaamyada hubka ee saxda ah ee horumarsan (APKWS) oo loo dhoofinayo dalka Israa’iil, kuwaas oo qiimahoodu ka badan yahay 992 milyan oo doollar.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa sidoo kale ansixisay iibinta nidaamyadan oo kale oo loo dhoofinayo dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo qiimahoodu ka badan yahay 147 milyan oo dollar

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

labo macallin oo lagu toogtay iskuul ku yaal Faransiiska

Arday ayaa la xiray kaddib markii maamule iyo macallin...

Baaritaan laga fuliyay guriga Ilhan Omar maxaa loo haystaa

Saraakiisha socdaalka ee Maraykanka ayaa baaritaan ka fuliyey guriga...

 MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

Somaliland oo Itoobiya u bandhigtay isticmaalka dekedda Berbera iyo marin-badeedkeeda

Maamulka Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu diyaarka...

12-ka Oktoobar: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed iyo halgankii ka dambeeyay

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles