Mucaaradka oo shir ku leh Muqdisho, kuna dhawaaqaya nooc doorasho

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Mogadishu ay kulan ku yeeshaan siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoo la filayo inay si rasmi ah ugu dhawaaqaan in maalinta Arbacada ay miiska soo saari doonaan moodelka doorashada ay wadaan.

Mucaaradka ayaa qorsheynaya inay soo bandhigaan nooca doorasho ee ay u arkaan mid dhexdhexaad ah oo dalka ka hirgeli karta, xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha ku saabsan hannaanka doorasho ee Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubno ka tirsan mucaaradka ay xaqiijiyeen in hindisaha doorasho ee ay wadaan uu yahay mid ay isla oggol yihiin madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland, taas oo muujinaysa isku day ay ku doonayaan inay ku helaan taageero siyaasadeed oo ballaaran.

Tallaabadan ayaa ku soo aadeysa xilli maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ay ka socdeen kulamo siyaasadeed oo ay mucaaradku la qaadanayeen qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo diiradda lagu saarayay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo mustaqbalka doorashooyinka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa horey beesha caalamka ugu sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ah ee la isku hayo aysan weli heynin nooc doorasho oo cad oo lagala doodi karo, arrintaas oo muujinaysa kala aragti duwanaanta sii kordheysa ee dhinacyada siyaasadda dalka.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli ay weli taagan tahay doodda ku saabsan nooca doorasho ee Soomaaliya qaadan doonto, iyadoo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka uu sii xoogeysanayo.

WARARKII KALE

Baaritaan laga fuliyay guriga Ilhan Omar maxaa loo haystaa

Saraakiisha socdaalka ee Maraykanka ayaa baaritaan ka fuliyey guriga...

 MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

Somaliland oo Itoobiya u bandhigtay isticmaalka dekedda Berbera iyo marin-badeedkeeda

Maamulka Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu diyaarka...

12-ka Oktoobar: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed iyo halgankii ka dambeeyay

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta...

Khayre oo Xasan Sheekh ku eedeeyay abaabul ciidan oo lagu beegsanayo madaxdii hore

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa...

Iiraan oo sheegtay inay diyaar u tahay dhexdhexaadinta wada-hadalka Sacuudiga iyo Yemen

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Cabbaas Ciraaqji, ayaa khadka taleefanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles