Soomaaliya oo hawadeeda ka celisay diyaarad sidday xildhibaan ka tirsan UK

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hawadeeda ka celisay diyaarad gaar ah oo sidday xubin ka tirsan Aqalka Odayaasha ee dalka Boqortooyada Midowday, taas oo qorsheynaysay inay ka degto magaalada Hargeysa.

Diyaaradda ayaa markii hore loo weeciyay dalka Jabuuti, halkaas oo ay saacado ku dul wareegtay, balse ugu dambeyn waxay oggolaansho ka heshay inay u gudubto oo ka degto magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay la xiriirto feejignaan amni oo sare oo ay gashay dowladda Soomaaliya, kaddib cabsi laga qabay suurta galnimada in hoggaamiyaha Taiwan uu safar qarsoodi ah ku tago Somaliland. Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu hoggaamiyaha Taiwan ku sugan yahay dalka Eswatini.

Ilaa hadda lama shaacin magaca mas’uulka saarnaa diyaaradda, mana jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan dhacdadan, taas oo sii kordhisay hadal-heynta iyo su’aalaha ku xeeran sababaha rasmiga ah ee ka dambeeyay go’aankan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

Ciidamo cusub oo Tababar loogu soo xiray Galgaduud

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Imaaraadka carabta oo lagu eedeeyay duqeyn dishay hal qoys ah oo shacab ah

Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday warbaahinta Mareykanka ee...

Mareykanka oo ka digay halista Xuutiyiinta iyo qorshahooda Soomaaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles