Midowga Yurub oo taageeray gogosha uu u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Ururka Midowga Yurub ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay gogosha wada-hadal ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku baaqay in dhammaan dhinacyada siyaasadda ay ka faa’iideystaan fursaddaas.

Midowga Yurub ayaa si gaar ah ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka ah in ay ka qayb qaataan wada-hadallada, si xal waara looga gaaro khilaafaadka jira, isla markaana dalka looga saaro xaaladda kala guurka ah ee uu wajahayo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu xusay in wada-hadal dhab ah iyo is-afgarad siyaasadeed ay yihiin waddada kaliya ee lagu xaqiijin karo xasillooni siyaasadeed iyo doorashooyin loo dhan yahay.

Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhowro sharciga, isla markaana la helo hannaan doorasho oo hufan oo ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda.

Midowga Yurub ayaa muujiyay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dowlad-dhiska, amniga, iyo dimuqraadiyadda, si dalka uu uga gudbo marxaladda kala guurka ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

Ciidamo cusub oo Tababar loogu soo xiray Galgaduud

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Imaaraadka carabta oo lagu eedeeyay duqeyn dishay hal qoys ah oo shacab ah

Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday warbaahinta Mareykanka ee...

Mareykanka oo ka digay halista Xuutiyiinta iyo qorshahooda Soomaaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles