Trump oo war ka soo saaray marinka Hormuz

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu qorsheynayo in uu bilaabo tallaabo subaxnimada Isniinta ee afarta May, si loo oggolaado maraakiibta ku xanniban marinkaasi in ay gudbaan, iyadoo loo marayo qorshe uu ugu yeeray “Mashruuca Xoriyadda,” tallaabo uu ku tilmaamay mid “bani’aadantinimo.”

Fiidkii Axadda, May 3, ayuu sidoo kale baraha bulshada ku sheegay in ay jiraan “wada-hadallo aad u wanaagsan” oo lala leeyahay Iran, kuwaas oo uu sheegay inay keeni karaan natiijooyin wanaagsan oo u faa’iido leh “qof walba.”

Qoraal dheer oo uu ku daabacay Truth Social, Trump wuxuu ku yiri: “Danta Iran, Bariga Dhexe, iyo Mareykanka awgeed, waxaan u sheegnay dalalkan in aan si ammaan ah u gudbin doonno maraakiibtooda marinkan xaddidan si ay si xor ah ugu sii wataan hawlahooda.”

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in maraakiibtan ay leeyihiin dalal “aan wax lug ah ku lahayn xaaladaha hadda ka socda Bariga Dhexe,” wuxuuna faray wakiilladiisa inay u sheegaan in Mareykanku sameyn doono “dadaal ugu badan” si loo hubiyo badbaadada maraakiibta iyo shaqaalahooda marka ay ka baxayaan Marinka Hormuz.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

Ciidamo cusub oo Tababar loogu soo xiray Galgaduud

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Imaaraadka carabta oo lagu eedeeyay duqeyn dishay hal qoys ah oo shacab ah

Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday warbaahinta Mareykanka ee...

Mareykanka oo ka digay halista Xuutiyiinta iyo qorshahooda Soomaaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles