Ciidamada Itoobiya oo loogu digay inay ku milmaan arrimaha siyaasada Soomaaliya

Taliyaha Ciidamada Dhulka ee Ethiopia ayaa farriin u diray ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah oo loo soo dirayo Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan howlgalka AUSSOM, isagoo ku booriyay inay ka fogaadaan arrimaha siyaasadda isla markaana diiradda saaraan waajibaadkooda shaqo.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadaasi ay beddeli doonaan cutubyo hore uga tirsanaa howlgalka AUSSOM kuwaas oo waqtigoodii shaqo uu dhammaaday.

Wuxuu sidoo kale ciidanka kula dardaarmay inay ilaaliyaan sumcadda dalkooda, maadaama ay yihiin “safiiro matalaya qarankooda.”

Ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah ayaa la filayaa in dhawaan loo soo daabulo gudaha Somalia, si ay uga qeyb qaataan howlaha nabad ilaalinta iyo xasillinta dalka.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya ee ku aaddan Soomaaliya ay laga yaabo inay wax yar isbeddesho, iyadoo ay jirto dib-u-habeyn ku socota howlgalka Midowga Afrika.

Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka ugu waaweyn ee ciidamo ku biiriyay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya muddo ku dhow 20 sano.

Dalalka kale ee ciidamada ku leh howlgalka AUSSOM waxaa ka mid ah Kenya, Djibouti, Uganda, Burundi iyo Egypt oo dhowaan ku biirtay howlgalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

Ciidamo cusub oo Tababar loogu soo xiray Galgaduud

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Imaaraadka carabta oo lagu eedeeyay duqeyn dishay hal qoys ah oo shacab ah

Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday warbaahinta Mareykanka ee...

Mareykanka oo ka digay halista Xuutiyiinta iyo qorshahooda Soomaaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles