Taliyaha ciidanka xoogga oo shir looga hadlay amniga la qaatay saraakiisha ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa guddoomiyay shir amni oo ka qabsoomay Taliska Guud ee Ciidanka XDS, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga dalka iyo dardargelinta howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Intii uu shirku socday ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyay heerka diyaar garow ee Ciidanka XDS, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta amniga iyo xasiloonida dalka, lana sii wado dadaallada looga hortagayo wax kasta oo carqaladeyn kara horumarka laga gaaray amniga guud.

Saraakiishii ka qeyb gashay shirka ayaa soo bandhigay qorsheyaal iyo go’aanno wax ku ool ah oo lagu xoojinayo amniga, iyadoo xoogga la saarayo dardargelinta howlgalada lagu xoreynayo deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta, iyo ka hortagga isku day kasta oo lid ku ah nabadda iyo xasiloonida dalka.

Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka XDS S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa saraakiisha kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan howlaha hortabinta u leh amniga qaranka, islamarkaana ay muujiyaan feejignaan iyo wada shaqeyn joogto ah.

Shirka waxaa ka qeyb galay Kaaliyaha Taliska Guud, Taliyeyaasha Noocyada Ciidamada, Taliyeyaasha Talisyada Sahanka iyo Wardoonka, Ciidanka Gaarka ah, Hoggaannada Taliska Guud, Taliyeyaal Guuto iyo saraakiil kale.

WARARKII KALE

Masar oo diyaarinaysa ciidamadii ugu dambeeyay ay u soo dirayso Soomaaliya

Warbaahinta The New Arab ayaa sheegtay in dowladda Masar...

Ciidanka Xoogga Dalka oo dib ula wareegay deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 27-aad, ayaa...

KGS oo qorsheynaysa in ciidanka Lafta-gareen xoog looga saaro Qansaxdheere

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo...

Taliyihii Saldhigga booliska Xagardheere ee Kenya iyo darawalkiisii oo qarax lagu dilay

Laba askari oo ka tirsan booliska Kenya, oo uu...

Soonaaliland oo durtay shirkii Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan

Danjiraha Somaliland u fadhiya Israa’iil, Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud,...

Sacuudiga oo war ka soo saaray sababta ay u weeraraan Xuutiyiinta

Milatariga Sacuudiga ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen goobaha Xuutiyiinta ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles