Saturday, May 9, 2026

Mucaaradka oo shaaciyay waqtiga uu bilaabanayo Banaanbaxa looga soo horjeedo dhul boobka Muqdisho

Xubnaha siyaasiyiinta ee Mucaaradka ayaa ku dhawaaqday in beri 7 subaxnimo banaanbax uu ka bilaaban doono Magaalada Muqdisho, kaasi oo looga soo horjeedo dulmiga, iyo Barakicinta lagu sameeyay dadka Soomaaliyeed.

Shacabka Muqdisho ayaa waxaa ay ugu baaqeen in ay tagaan goobihii laga barakiciyay, islamarkaana ay muujiyaan dareenkooda,maadaama ay kordheen goobaha ay ka socdaan burburinta.

Sidoo kale mucaaradka ayaa bixiyay xog cusub oo ku saabsan guryo ay rabto in ay burburiso dowladda Soomaaliya, iyadoona weli wada burburinta lagu sameynayo qaar kamid ah dhulalka ay deganaayeen shacabka ku nool degmooyin ka tirsan caasimadda.

“Shanta maalin ee soo socota boqol Cagaf ayay soo gelin rabaan Muqdisho,dulmiga iyo heerida iska dulqaada ee soo baxa”sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Cabdi raxmaan Cabdishakuur Warsame.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa warbaahinta u sheegay inay la dareenyihiin shacabka laga barakiciyey guryohooda aysanna joojin doonin dedaalada ka dhanka ah boobka hantida danta guud.

“Dowaddi waxay isu bedeshay Company dad ayaa ka shaqeeya, DFS waxay u wacatay ayaa la dhahay dad wax toogta ee dadka dila, laakin anaga sidaas kuma joogsanayno, banaanbaxa waa uu socon doonaa, yaan la cabsan ha la soo baxo”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dhanka kalena, Dowladda Soomaaliya ayaa kordhisay dhaqdhaqaaqyada Muqdisho, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo waddooyinka waaweyn iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada, loogana hortegayo qalaase ammaan oo caasimadda ka dhaca.

Muqdisho ayaa beri geli doono mowjad culus oo siyaasadeed, taasi oo laga cabsi qabo in isku dhac hubeysan uu dhexmaro ciidamada dowladda iyo ciidanka ilaalada u ah siyaasiyiinta mucaaradka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xaflada caleema saarka madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

RW Xamsa oo la kulmay Danjiraha Dawladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa...

Taliyaha ciidanka xoogga oo shir looga hadlay amniga la qaatay saraakiisha ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa guddoomiyay...

Mucaaradka oo shir xasaasi ah ku leh Muqdisho iyo diyaar garowga Bannaanbaxyada

Waxaa goordhow ka furmaya Jaziira Hotel shir gaar ah...

Saraakiil ciidan oo ku wajahan Dhuusamareeb

Wararka ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles