Ciidanka Israa’iil oo Shaaciyay Geerida Askari lagu dilay dagaal ka dhacay Xadka Lubnaan

Ciidanka Israa’iil ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay geerida mid ka mid ah askartooda oo lagu dilay dagaal ka dhacay meel u dhow xadka u dhexeeya Israa’iil iyo dalka Lebanon.

War-saxaafadeed kasoo baxay militariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in askariga dhintay uu ahaa Alexander Golovaniov oo 47 jir ahaa, kana tirsanaa ciidamada militariga Israa’iil.

Sida lagu sheegay bayaanka, Alexander wuxuu ahaa darawalka gaari ciidan, waxaana la dilay maalintii Axadda xilli ay socdeen dagaallo ka dhacay deegaanka xadka ah.

Militariga Israa’iil ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida uu weerarku u dhacay ama kooxda ka dambeysay dilka askarigaasi, balse xiisadda ka taagan xadka Lubnaan iyo Israa’iil ayaa sii xoogeysaneysay bilihii u dambeeyay.

Dagaallada iyo iska horimaadyada kasoo cusboonaaday deegaannada xadka ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in colaadda gobolka ay sii fido, iyadoo ciidamada Israa’iil iyo xoogagga hubeysan ee ka howlgala koonfurta Lubnaan ay marar badan is weydaarsadeen weerarro.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Aadan Madoobe oo shir amni la yeeshay saraakiisha Koofur Galbeed

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Khayre oo dowladda Xasan Sheekh ku eedeeyay burburinta suuqyada Muqdisho

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa...

Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay burburinta Suuqa Xarraryaale, eedeymo culusna u jeediyay Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Ciidanka DF oo ku sii siqaya Buurhakaba iyo Gulufka ka socda Baydhabo

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weli...

Burcad-badeed Soomaali ah oo xeebaha Yemen ka afduubtay markab laga leeyahay Imaaraadka Carabta

Burcad-badeed Soomaaliyeed oo iska dhigayay kalluumeysato ayaa markii ugu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles