Monday, May 11, 2026

Beesha Caalamka oo soo dhex gashay Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in xubnaha Beesha Caalamka ay bilaabeen dadaallo xooggan oo lagu dhex dhexaadinayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay qeyb ka yihiin maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Kulankan la qorsheynayo ayaa lagu wadaa inuu diiradda saaro dejinta xiisadda siyaasadeed ee sii xoogeysaneysa ee ka dhalatay muranka doorashooyinka iyo cabashooyinka mucaaradka.

Sida ay sheegayaan xogaha la helayo, waxaa kulanka garwadeen ka noqon doona Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, iyadoo ay sidoo kale goob joog ka ahaan doonaan wakiillo kale oo ka socda Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland la filayo inay soo gaaraan magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan wada-hadallada muhiimka ah ee lagu raadinayo xal siyaasadeed oo deg-deg ah.

Dhinacyada ayaa la filayaa inay si gaar ah uga doodaan khilaafka ka dhashay qorshaha dowladda ee doorashooyinka qof iyo codka ah, arrintaas oo mucaaradku ku eedeeyeen dowladda inay si kali-talisnimo ah u waddo, iyada oo aan laga gaarin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata inay aqbashay dalab mucaaradku horay u soo jeediyeen oo ahaa in wada-hadallada lagu qabto goob dhexdhexaad ah oo ay goob-joog ka yihiin xubno ka socda Beesha Caalamka.

Safaaradda Mareykanka iyo diblomaasiyiin kale oo caalami ah ayaa la sheegay inay door muuqda ka ciyaarayaan isku soo dhaweynta dhinacyada isku haya jihada siyaasadeed ee dalka, iyadoo dadaalladan loo arko kuwa muhiim u ah xasilloonida Soomaaliya iyo hannaanka siyaasadeed ee soo socda.

WARARKII KALE

Iiraan oo farriin digniin u dirtay Ingiriiska iyo Faransiiska

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay in dalkiisu "uusan...

Al-shabaab oo halis ku ah qorshaha dib u furista xadka Soomaaliya iyo Kenya

Wargeyska ka soo baxa dalka Kenya ee The Standard...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya Nairobi

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu...

Ciidanka Israa’iil oo Shaaciyay Geerida Askari lagu dilay dagaal ka dhacay Xadka Lubnaan

Ciidanka Israa’iil ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay geerida...

Trump oo duray jawaabta ka soo baxday Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in uu akhriyay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles