Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Baydhabo u tagay abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Ujeedka safarka Taliyaha Ciidanka XDS, Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud uu ku tagay magaalada Baydhabo ayaa ahaa sidii loo dardargelin lahaa howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta, iyo adkeynta amniga deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulamo ayaa la filayaa inuu la qaato madaxda ugu sarreysa maamulka Koonfur Galbeed si loo xoojiyo amniga magaalooyinka waaweyn iyo waddooyinka isku xira gobolada.

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Ciidanka Xoogga Dalka ay kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee gobolada Baay iyo Bakool, iyadoo dhowaan ciidamadu ay guulo ka gaareen furista waddooyinka istiraatiijiga ah iyo baabi’inta fariisimaha khawaarijta.

Taliska Ciidanka XDS ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda faahfaahin dheeri ah ka bixiyo kulamo gaar ah oo taliyuhu la yeelan doono qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka deegaanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles