Thursday, July 9, 2026

Shirkii u socday DFS iyo Mucaaaradka oo fashil ku soo dhammaaday

Shirkii ka socday Xerada Xalane ee u dhexeeyay MW Xasan Sheekh iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan, kadib seddex maalin oo dhinacyadu kulan yeeshaan.

Kulanka oo ay mucaaradka ku metelayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ahaa kii ugu waqtiga yaraa, waxaana la sheegay in lagu kala tagay iyadoo aan heshiis iyo ballamo kale aysan qaadan labada dhinac.

MW Xasan Sheekh ayaa ku adkeydstay qabashada doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradka ay iyaguna taasi ka biiyo diideen.

Xubnaha Mucaaradka ayaa bilaabi doono kulamo wadatashi ah iyo abaabul xooggan oo ka dhan ah MW Xasan Sheekh, iyagoo saacadaha soo socda Faahfaahin doono sababta keentay inuu fashil ku soo dhammaado shirka.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa sugaysay in maanta dhinacyada gaaraan heshiis doorasho oo la isku raacsan yahay, balse waxaa lagu wadaa in wakiilada Beesha Caalamka ay war ka soo saaraan kulamadii ka dhacay Muqdisho.

Fashilka wada-hadalladan ayaa imaanaya xilli uu maanta dhammaanayo muddo xileedkii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Ilaa hadda labada dhinac si rasmi ah war ugama aysan soo saarin shirka, waxaana la filayaa inay soo saaraan warsaxaafadeedyo kala duwan saacadaha ama maalmaha soo socda, haddii aysan jirin dadaallo cusub oo ay beesha caalamku ku riixeyso dib u furista wadahadallada.

Dhanka kale, Mucaaradka ayaa maanta ku dhawaaqay inay baajiyeen banaanbax ay hore u iclaamiyeen inuu dhacayo maalinta beri ah ayagoo sheegay inay wadahadallada fursad siinayaan lamana oga sida ay ka yeeli doonaan banaanbixii baaqday

Soomaaliya ayaa markale wajahaysa jahwareer Siyaasadeed, taasi oo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarriga ka jaray Taliska Guutada 77 ee xoogga dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Golaha Wasiirrada oo ka digay khatarta roobabka El Niño, ansixiyeyna heshiisyo caalami ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii...

Midowga Afrika oo ku baaqay in la xoojiyo taageerada howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU), Mudane Mahmoud Ali Youssouf,...

FBI-da oo liiska dadka musuqmaasuqa loogu doonista badan yahay ku dartay Fahad Mohamed Nur

Hay’adda Dambi-baarista Federaalka Mareykanka (FBI) ayaa liiska dadka loogu...

Hindiya oo dib u celisay afar kalluumeysato oo ku xannibnaa Soomaaliya

 Afar kalluumeysato oo u dhashay gobolka Tamil Nadu ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles