DFS oo ciidankii Lafta gareen ku eedeysay inay la shaqeeyaan Al-Shabaab

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay duleedka Baydhabo lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalkan oo ay duqeymo cirka ah qeyb ka ahaayeen ayaa daba socday weerarkii shalay lagu qaaday ciidanka dowladda, kaasi oo lagu dilay saraakiil ciidan kadib dagaal qaraar oo ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in 50 xubnood lagu khaarijiyay duqeynta, halka sidoo kale la burburiyay gaadiid dagaal oo ay lahaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkii shalay ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad Taabacsanaa Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Cabdi casiis Lafta gareen, kuwaasi oo ay ku eedeysay inay ku milmeen kooxda Al-Shabaab.

“Sheegashada weerarka Khawaarijta ayaa muujinaysa in maleeshiyaadka ay noqdeen garab u adeegaya argagixisada, islamarkaana khatar ku ah amniga iyo xasiloonida deegaanadda Koofur Galbeed”ayaa lagu yiri warka.

Sidoo kale wasaaarada ayaa sheegtay inaysan u dulqaadan doonaan cidkasta oo hub ama maleeshiyaad u adeegsato Dano siyaasadeed, islamarkaana tallaabo adag ay ka qaadi doonto.

“Dowladdu waxay xaqiijineysaa in aysan marnaba u dulqaadan doonin cid kasta oo hub ama maleeshiyaad u adeegsata dano siyaasadeed, carqaladeynta amniga iyo in cid kasta oo gacan siisa Khawaarijta ama u noqota weji ay ku dhuuntaan laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan.”ayaa la sii raaciyay warka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Ciidanka Lafta gareen oo la wareegay Qansaxdheere

Ciidamada Taabacsan Lafta Gareen ayaa maanta dib ula wareegay...

Al-Shabaab oo dad ku laayay Hiiraan iyo dagaal ka socda Tardo

Wararka laga helayo deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa...

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles