Saraakiishii ku geeriyootay dagaalkii ka dhacay Baydhabo oo maanta Aas Qaran loo sameeyay

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ka qeybgalay Aas Qaran oo loo sameeyay saraakiishii ku geeriyootay dagaalkii shalay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee ay kala ahaayeen Taliyaasha Guutooyinka 8-aad iyo 9-aad ee Ciidanka Xooga Dalka.

Aas-qaranka ayaa waxaa ka qeybgalay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Dalka, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka, masuuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, saraakiisha ciidamada qalabka sida, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo dhammaantood muujiyay murugada iyo tacsida ay la wadaagayaan qoysaska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Jibriil Cabdirashiid Xaaji Hogaamiyaha KMG ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sheegay in saraakiishii shahiiday ay naftooda u hureen difaaca shacabka iyo ilaalinta amniga deegaanada Dowladda Koonfur Galbeed, isagoo ku tilmaamay halyeeyo qaran oo door weyn ka qaatay sugidda nabadda iyo xasilloonida.

Hogaamiyaha ayaa sidoo kale ciidamada ku bogaadiyay dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay garab istaagaan ciidamada amniga si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta.

Hogaamiye Jibriil ayaa Alle uga baryey saraakiishii geeriyootay inuu janadii Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan eheladii iyo qarankaba.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Ciidanka Lafta gareen oo la wareegay Qansaxdheere

Ciidamada Taabacsan Lafta Gareen ayaa maanta dib ula wareegay...

Al-Shabaab oo dad ku laayay Hiiraan iyo dagaal ka socda Tardo

Wararka laga helayo deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa...

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles