MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Dhalinyarada SYL

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaaladda Muqdisho kaga qeyb galay munaasabad ballaran oo lagu weynaynaayo sannad-guurada 83-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL (Somali Youth League).

​Madaxweynaha ayaa si maamuus leh ubax dhigay fagaaraha caanka ah ee astaanta SYL ee ku yaalla caasimadda, si loo xuso dhiigga iyo dhaxalka dhallinyaraddii u soo dhabar-adaygtay xorriyadda dalka Soomaaliya

​Ururka SYL, oo markii hore la aasaasay May 15, 1943 iyadoo loo yaqaanay Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed (Somali Youth Club), wuxuuna ahaa xisbigii ugu horreeyey ee siyaasadeed ee laga yagleelo dalka Soomaaliya, ururkan ayaa noqday mishiinkii weynaa ee kiciyey dareenka gobonimo doonka ee dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale ​Doorkii Gobonimo doonka SYL ayaa waxay door-muhiim ah oo hormuudnimo leh ka qaadatay dhabbihii adkaa ee ay umadda Soomaaliyeed u martay gobonimada iyo madax-bannaanida

​Munaasabaddan maanta ayaa ku soo beegmaysa xilli dalku uu ku jiro marxalad adag, iyadoo madaxda qaranku ay mar kasta ku baaqaan in dib loo jaleeco casharradii iyo midnimadii ay ka tageen 13-kii dhalinyaro ee aasaasay SYL, si loo xaqiijiyo mustaqbal ifaya iyo horumar waara oo ay Soomaaliya gaarto.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Ciidanka Lafta gareen oo la wareegay Qansaxdheere

Ciidamada Taabacsan Lafta Gareen ayaa maanta dib ula wareegay...

Al-Shabaab oo dad ku laayay Hiiraan iyo dagaal ka socda Tardo

Wararka laga helayo deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa...

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles