Xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay yeeshaan kulan gaar ah oo diiradda lagu saarayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay fashil kusoo dhammaadeen wadahadalladii Muqdisho ka socday, kuwaasi oo la doonayay in lagu xalliyo muranka doorashooyinka, dastuurka iyo awood qeybsiga siyaasadeed.
Wararka ayaa sheegaya in daneeyayaasha caalamiga ah ay ka walaacsan yihiin in ismariwaaga siyaasadeed uu saameyn ku yeesho amniga, dagaalka Al-Shabaab iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.
Waxaa sii kordhaya baaqyada gudaha iyo dibadda ee loogu jeedinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha mucaaradka inay dib ugu soo laabtaan miiska wada-hadalka, kadib markii natiijo la’aan kusoo dhammaadeen kulamadii ugu dambeeyay ee Muqdisho.
Ururrada caalamiga ah iyo saaxiibada Soomaaliya ayaa muujiyay walaac ku aadan khilaafka sii xoogeysanaya, iyagoo ka digay in kala fogaanshaha siyaasadeed uu dhaawaco xasilloonida dalka.
Mucaaradka ayaa dowladda ku eedeeyay inay ku dhaqaaqday go’aamo hal dhinac ah, halka dowladda Federaalka ay sheegtay inay diyaar u tahay wadahadal lagu xallinayo tabashooyinka jira.
Sidoo kale xubnaha Beesha Caalamka ayaa la filayaa inay berri kulan la qaataan siyaasiyiinta Mucaaradka.
Kulanka ayaa sidoo kale la filayaa in laga soo saaro baaqyo ku aadan in dhinacyada Soomaalida ay dib ugu soo laabtaan wadahadal iyo tanaasul siyaasadeed.


