Trump oo ka hadlay toogashada Masaajidka Islamic Center ee San Diego

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay toogashada dhacday ee Islamic Center ee San Diego ‘’xaalad aad u xun’’

Waxa uu intaasi raaciyay “Waxaa la i siiyay warbixinno hordhac ah, laakiin arrintan si aad ah ayaan dib ugu laaban doonnaa oo u baari doonnaa.”

Inta la ogyahay 5 qof ayaa weearka ku dhimatay oo ay ku jiraan laba tuhmane.

maam Taha Hassane oo ka tirsan Islamic Centre ayaa kusoo gabagabeeyay shir jaraa’id isagoo sheegay in xaruntu ay tahay “guri cibaado, ma aha goob dagaal.”

“Muslimiinta iyo dadka aan Muslimka ahaynba mar walba waa lagu soo dhaweyn jiray Islamic Center,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in bulshada Muslimku ay murugaysan tahay, isla markaana ay warbaahinta ka codsadeen inay joojiyaan faafinta sawirrada dhibbanayaasha, iyaga oo codsanaya in la ixtiraamo qoysaska dhibbanayaasha.

Kadib wuxuu dadka ku boorriyay inay faafiyaan dhaqan jacayl iyo isu-dulqaadasho leh.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidanka NISA oo kala dhex galay Maleeshiyaad ku dagaalamay Gaalkacyo

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee...

RW Xamsa oo kulan la qaatay gudduga Qaran ee Maareynta Khataraha masiibooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre,...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta akhrinta koowaad maraiiyay heshiis muhiim u ah Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir...

Ciidanka Deegaanka Wargaadhi oo weerar qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo weerar...

Horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellaha Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles