Monday, July 27, 2026

Uganda Oo Ciidamo Cusub u soo direysa Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa shaacisay inay Soomaaliya u soo direyso cutub cusub oo ka tirsan ciidamadeeda, kuwaas oo qeyb ka noqon doona howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee taageera amniga Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa tababarro la xiriira ilaalinta shacabka, la dhaqanka bulshada iyo howlaha nabad ilaalinta loogu soo gabagabeeyay magaalada Kampala, ka hor inta aan loo soo daabulin Soomaaliya.

Taliyaha Qaybta 1-aad ee Ciidamada Lugta Uganda, Sarreeye Guuto Fred Mwesigye, ayaa ciidamada cusub kula dardaarmay inay muujiyaan anshax, wada shaqeyn iyo xirfad sare inta ay ku guda jiraan howlgalka Soomaaliya.

Taliyuhu wuxuu sheegay in ciidamada laga filayo inay door muuqata ka qaataan sugidda amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.

Waxa uu sidoo kale ammaan u jeediyay qaar kamid ah ciidamada Uganda ee hore uga qeyb qaatay howlgalka loo bixiyay “Operation Silent Storm”, kaas oo laga fuliyay gobolka Shabeellada Hoose.

Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee ciidamada ku leh howlgalka AUSSOM, iyadoo ciidamadeedu door muhiim ah ka qaataan howlaha amniga, tababarrada ciidamada Soomaaliyeed iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Soo dirista ciidamadan cusub ayaa ku soo aadeysa xilli howlgalka AUSSOM uu wajahayo caqabado dhaqaale, kaddib markii qaar kamid ah deeq bixiyeyaasha caalamiga ah ay yareeyeen taageeradii ay siin jireen howlgalka. Dhanka kale, Uganda waxay sii waddaa beddelka iyo xoojinta ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya si loo adkeeyo dadaallada lagu sugayo amniga dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Yahuudda la dajiyay Daanta Galbeed ayaa gubay masaajidyo, gawaari iyo beero

Saraakiil Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in Yahuudda la deegaameeyayay...

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen daroon lagu sameeyay Turkiga oo Sacuudigu isticmaalayay

Yahya Saree, oo ah afhayeenka xoogaga Xuutiyiinta Yemen, ayaa...

Iran iyo Maraykanka oo sheegay ‘in ay dib u bilaabayaan wadahadalada

Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa, iyadoo soo xiganaysa ilo...

Puntland oo digniin u dirtay DFS iyo Galmudug

Maamulka Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadashay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles