Beesha caalamka ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda siyaasadeed ee haatan ka jirta Soomaaliya, iyadoo ugu baaqday dhinacyada siyaasadda inay si degdeg ah dib ugu bilaabaan wada-hadallada si loo gaaro is-afgarad ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.
Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen xubno ka tirsan beesha caalamka ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan la isku raaco qorshe doorasho oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay si degdeg ah dib ugu bilaabaan wada-hadallada, isla markaana ay gaaraan heshiis ku saabsan tubta doorashada ee mustaqbalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay inay diyaar u tahay inay taageerto wada-hadallo ay hoggaaminayaan Soomaalida, haddii codsi rasmi ah loo soo gudbiyo.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in xilligan xasaasiga ah ay muhiim tahay in hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ay mudnaanta siiyaan danta qaranka, kana fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta kororka xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee dalka.
War-murtiyeedka ay soo saartay beesha caalamka ayaa si rasmi ah u saxiixeen dalal iyo hay’ado caalami ah, kuwaas oo kala ah:
Safaaradda Austria ee Nairobi
Safaaradda Boqortooyada Belgium ee Nairobi
Safaaradda Boqortooyada Netherlands
Safaaradda Norway
Safaaradda Portugal ee Nairobi
Safaaradda Spain ee Nairobi
Safaaradda Sweden ee Nairobi
Safaaradda Switzerland ee Kenya
Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho
Midowga Yurub (EU) – Ergada Midowga Yurub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Qaramada Midoobay (UNTMIS)
Safaaradda Finland ee Nairobi
Safaaradda Faransiiska ee Kenya iyo Soomaaliya
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka ee Nairobi
Dowladda Ireland
Safaaradda Talyaaniga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo wadatashiyada u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dhinacyada siyaasadda dalka.


