Maxkamadda Gobolka Banaadir Oo Dib u celisay Kiiska Sacdiyo “Bajaaj”

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dib ugu celisay Xafiiska Xeer Ilaalinta kiiska loo haysto Sacdiyo Macallin Cali, oo loo yaqaan “Sacdiyo Bajaaj”, kaddib fadhigii maanta ay maxkamaddu ka yeelatay dacwadda.

Qareenka difaacaya eedeysanaha ayaa warbaahinta u sheegay in maxkamaddu ay ku qanci weyday eedaha ay soo gudbisay Xeer Ilaalintu, taasoo keentay in kiiska dib loogu celiyo si loo dhammaystiro caddeymaha iyo faahfaahinta la xiriirta dacwadda ka hor inta aan mar kale la horgeyn maxkamadda.

Sidoo kale, sida uu xaqiijiyay Abuukaate Cali Xalane, maxkamaddu waxay go’aankan gaartay kaddib dib u eegis ay ku samaysay kiiska iyo dacwadda loo haystay eedeysanaha.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay sababta keentay dib u celinta eedeynta, hase yeeshee arrintan ayaa si weyn u soo jiidatay dareenka shacabka iyo baraha bulshada, maadaama kiisku uu muddooyinkii u dambeeyay ahaa mid si weyn loo hadal hayay.

Kiiskan ayaa sidoo kale Sacdiyo Bajaaj ka dhigay mid ka mid ah shaqsiyaadka sida weyn looga yaqaan baraha bulshada Soomaaliya, iyadoo dadweynuhu si dhow ula socdaan halka ay dacwaddani ku dambeyn doonto.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles