Mareykanka oo ka digtay rabshado ka dhaca Muqdisho iyo fariin loo diray Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh khilaafaadka siyaasadeed ee dalka inay muujiyaan is-xakameyn isla markaana ka fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta rabshado iyo xasillooni-darro.

War ka soo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu ku dhiirrigelinayo dhinacyada siyaasadda inay dib ugu soo laabtaan miiska wada-hadalka si xal looga gaaro khilaafaadka taagan, loona ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Fariintan ayaa kusoo beegmaysa xilli xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay hore u soo saareen bayaan wadajir ah oo ay ugu baaqayeen hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay mudnaanta siiyaan wadahadal iyo is-afgarad.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale caddeysay inay diyaar u tahay inay fududeyso ama dhexdhexaadiso wada-hadallada Soomaalida haddii loo baahdo, si loo helo xal siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Beesha Caalamka ayaa ku adkaysatay muhiimadda ay leedahay in dib loogu laabto wadahadal iyo heshiis siyaasadeed, si looga hortago xaalad kasta oo sii xumeyn karta mustaqbalka siyaasadeed iyo amniga Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 31 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hoggaamiyaha sare ee Iiran Mojtaba Khamenei oo amar bixiyey ka dib kulan dhacay

Bogga rasmiga ah ee hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Jamhuuriyadda...

Q.M oo maanta soo xirtay xafiiskeedii siyaasadeed ee Soomaaliya kaddib 13 sano

Qaramada Midoobay ayaa maanta oo ah 31-ka Oktoobar 2026...

Uganda oo Soomaaliya u soo dirtay ciidamo cusub iyo amar culus oo la dul dhigay

Dowladda Uganda ayaa ciidamo cusub oo ka tirsan Guutada...

DFS oo xabsiga dhigtay saraakiishii hoggaaminaysay dagaalkii Jameeco

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay saraakiil ciidan oo...

Uganda oo ciidamadeeda ka saartay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa la sheegay inay 72-kii saac ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles