Iran oo joojisay wadahadalada ay kula jirtay Mareykanka

Wakaaladda wararka ee Tasnim ayaa ilo ku dhow dowladda Iran kasoo xigatay in wafdiga wadahadallada Iiraan ay ku hanjabeen inay hakiyaan is-dhaafsiga farriimaha iyo warqadaha ay la leeyihiin Maraykanka, haddii aan la joojin dagaalka sii xoogeysanaya ee Israa’iil ku qaaday Lubnaan.

Wafdiga ayaa sheegay in heshiiskii xabbad-joojinta iyo is-fahamka ee u dhexeeyay Iiraan iyo Maraykanka uu ka koobnaa in la yareeyo xiisadaha gobolka, isla markaana la joojiyo dhammaan dagaallada la xiriira colaadaha gobolka, oo ay ku jirto tan Lubnaan.

Sidoo kale, Iiraan ayaa ku hanjabtay inay qaadi karto tallaabooyin adag, oo ay ka mid tahay in ay xaddiddo ama xirto marinka istiraatiijiga ah ee Marinka Hormuz, haddii aan la joojin weerarrada iyo dagaalka sii xoogeysanaya ee ka socda Lubnaan.

Wararkan ayaa imanaya xilli ay sare u kacayaan xiisadaha gobolka gaar ahaan dagaalka xoogan ee Israa’iil ku qaadayso Caasimadda Lubnana ee Beyrut, isla markaana ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu xakameeyo colaadaha Bariga Dhexe.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles