Israa’iil oo sheegtay inay hawadeeda ku qabatay Gantaal laga soo tuuray Lubnaan

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in subaxnimadii Talaadada ay hawada ku qabteen laba gantaal oo laga soo ganay dhanka Lebanon.

Ciidanku wuxuu sheegay in la ogaaday “shay duulaya oo laga shakiyay” kaas oo markii dambe ku dhacay gudaha dhulka Israel meel u dhow xadka Lubnaan. Waxa kale oo ay sheegeen in aan wax dhaawac ah la soo sheegin kadib weerarka.

Dhacdadan ugu dambeysay ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sheegay in Israa’iil iyo ururka Hezbollah ay u ballanqaadeen inay joojinayaan dagaalka.

Trump ayaa bartiisa bulshada ee Truth Social ku qoray:”Waxaan wada hadal aad u wanaagsan la yeeshay Hezbollah anigoo adeegsanaya wakiillo heer sare ah, waxayna oggolaadeen xabbad-joojin; Israa’iil ma weerari doonto iyaga, iyaguna ma weerari doonaan Israa’iil.”

Horey, Guddoomiyaha baarlamaanka Iran, Maxammad Baqer Qalibaf, ayaa yiri:”Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaan si dhab ah uga shaqaynaynay joojinta weerarrada Israa’iil, haddii dambiyadaasi sii socdaanna ma aha oo keliya inaan joojin doono geeddi-socodka wada hadallada, balse sidoo kale waxaan ka hor iman doonnaa maamulka Sahyuuniyadda.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 31 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hoggaamiyaha sare ee Iiran Mojtaba Khamenei oo amar bixiyey ka dib kulan dhacay

Bogga rasmiga ah ee hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Jamhuuriyadda...

Q.M oo maanta soo xirtay xafiiskeedii siyaasadeed ee Soomaaliya kaddib 13 sano

Qaramada Midoobay ayaa maanta oo ah 31-ka Oktoobar 2026...

Uganda oo Soomaaliya u soo dirtay ciidamo cusub iyo amar culus oo la dul dhigay

Dowladda Uganda ayaa ciidamo cusub oo ka tirsan Guutada...

DFS oo xabsiga dhigtay saraakiishii hoggaaminaysay dagaalkii Jameeco

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay saraakiil ciidan oo...

Uganda oo ciidamadeeda ka saartay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa la sheegay inay 72-kii saac ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles