Thursday, October 23, 2025

Puntland oo dibeda u qaaday askar ku dhaawacantay weerarkii Daacish

Dhaawacyadii cuslaa ee Ciidanka Puntland ayaa waxaa loo qaaday dalka Dibadiisa, iyadoo Diyaarad khaas ah loo keenay.

Waxaa shalay laga duuliyey garoonka dayuuradaha caalamiga ah ee magaalada Boosaaso,

Askartan la qaaday ayaa qeyb ka ahaa ciidankii Puntland ee ka hortagay Kooxdii Ajaanibka ahayd ee ka tirsaneyd Daacish kuwaasoo maalmo ka hor soo weeraray saldhigooda gobolka Bari.

Raga la laayay ee Ajaanibta, waxay wada ahaayeen kuwo lawada baadigoobayay oo ka kala yimid meelo badan Puntland ku soo galay si dhuumaaleysi ah sida ay sheegeen saraakiisha Maamulka.

Guddiga Taakuleynta iyo Daryeelka Caafimaadka ee hawlgalka ciribtirka argagixisada, oo fullinaya Amarkii Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa si wanaagsan u maareeyay oo ambabixiyey dhaawacyada u baahday dhakhtar dibadda ah, oo maanta laga dhoofiyey boosaaso, waxaa sagootiyey ciidanka Guddiga taakuleynta ciidanka, Agaasimaha Hay’adda PMPF iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Talaabadan Maamulka Puntland uu dibeda ugu qaaday dhaawacyada daran ayaa waxay dhiirigelin u tahay ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgalka la dagaalanka argagxisada ee ay ku dhawaaqday Puntland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

WHO oo ka dayrisay xaalada caafimaad ee Qaza

Madaxa ururka caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegay in Qaza...

Fadhigii Golaha Shacabka oo markale kooram la’aan u baaqday

Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay degmada Wanla-weyn ee G/Sh/Hoose

Maleeshiyaad hubeysan ayaa saaka dad shacab ah ku dilay...

Al-shabaab oo xalay dagaal ku qaaday Xudur iyo xubno lagu dilay dagaalka

Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku...

Dibadbaxayaal weeraray booliiska dalka Ireland

Lix qof ayaa la xiray ka dib markii booliska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles