NISA oo shaacisay dilka horjoogihii maaliyadda Al-Shabaab ee Kuunyo Barrow

Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shaacisay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo muddo dheer door muhiim ah ku lahaa maaliyadda kooxda.

Qoraal ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in ciidankeeda oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay 23-kii Oktoobar fuliyeen duqeyn lagu dilay Faysal Yuusuf Macallin Cabdulle, oo sidoo kale loo yaqaanay Cabdikariin Horseed (Gaagaale).

Sida ay sheegtay NISA, Faysal Yuusuf waxa uu ka mid ahaa xubnaha sida dhow ula shaqeeya hoggaanka sare ee Al-Shabaab, isagoo hore u soo noqday madaxa guud ee maaliyadda kooxda.

Hay’addu waxay sheegtay in horjoogahan uu si qarsoodi ah ugu biiray Al-Shabaab sanadkii 2007, xilligaas oo uu ka shaqeynayay dukaan ku yaallay Suuqa Bakaaraha, halkaas oo lagu tilmaamay inuu gabaad uga dhigan jiray dhaqdhaqaaqiisa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Moscow oo weerarro lagu ekeyay xilli hoggaamiyaal Afrikaan ah ay ku shirayaan

Ruushka ayaa cambaareeyay weerarro ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn...

Cumar Cabdirashiid oo Farmaajo kala hadlay mideynta aragtida siyaasadeed

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke,...

QM oo sheegtay in kumanaan qof ay ka barakaceen dagaallada Soomaalida iyo Oromada

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhowaad 36,000 oo...

TPLF oo taliye sare oo ka tirsanaa ku eedeysay khiyaano qaran

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa ku eedeysay mid...

Maxaa ka soo kordhay doorashada Isra’iil

Haddii ilaa xalay indhaha oo dhan ay ku jeedeen...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles