Uk oo taageertay dadaalada lagu soo afjarayo colaada Mareykanka iyo Iran

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa ku dhawaaqay in Ra’iisul Wasaare Keir Starmer uu kala hadlay dadaallada lagu soo afjarayo colaadda Iran, xilli uu khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Sida ay wararku sheegayaan, Starmer ayaa soo dhaweeyay horumarka la sameeyay, wuxuuna ku celceliyay in UK ay diyaar u tahay inay taageerto hirgelinta heshiis kasta oo nabadeed, ayna kala shaqeyso saaxiibada caalamka si loo xaqiijiyo guusha.

Labada hogaamiye ayaa sidoo kale isla gartay baahida loo qabo in dib loo soo celiyo xoriyada socdaalka si loo yareeyo cawaaqib xumada dhaqaale ee caalamka.

Warbixin kale, wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Muxamed Isxaaq Daar iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga Faysal bin Farxaan ayaa khadka taleefoonka kaga hadlay isfaham dhexmara Mareykanka iyo Iran.

Pakistan ayaa dhexdhexaadinaysa xabad joojinta Iran iyo Maraykanka, waxayna dhexdhexaadinaysaa wadahadalo lagu gaaray isfaham nabadeed oo dhexmara labada dal.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Moscow oo weerarro lagu ekeyay xilli hoggaamiyaal Afrikaan ah ay ku shirayaan

Ruushka ayaa cambaareeyay weerarro ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn...

Cumar Cabdirashiid oo Farmaajo kala hadlay mideynta aragtida siyaasadeed

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke,...

QM oo sheegtay in kumanaan qof ay ka barakaceen dagaallada Soomaalida iyo Oromada

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhowaad 36,000 oo...

NISA oo shaacisay dilka horjoogihii maaliyadda Al-Shabaab ee Kuunyo Barrow

Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shaacisay in howlgal qorsheysan oo...

TPLF oo taliye sare oo ka tirsanaa ku eedeysay khiyaano qaran

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa ku eedeysay mid...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles