Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen waxa ay ku sheegeen in ay ka go’an tahay ilaalinta marin biyoodka Hormuz oo ah marin biyood nabdoon oo furan oo ay maraan maraakiibta caalamiga ah, isla markaana waxa ay carabka ku adkeeyeen madax banaanida iyo xuquuqdooda ku aadan dhul badeedka gacanka Hormuz.

Waxa ay sidoo kale shaaca ka qaadeen in ay baari doonaan mustaqbalka maamulka marin biyoodka Hormuz iyo qarashka ku baxaya adeegyada laga bixiyo marin biyoodkan iyaga oo sameynaya guddi isku dhaf ah.

War-murtiyeedka ayaa laga soo saaray shir ay mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan labada dal ku yeesheen magaalada Masqad.

Markii ay ka soo ambabaxeen Switzerland, Mohammad Baqer Qalibaf oo ah madaxa kooxda wada xaajoodka Iran iyo Cabbaas Araqchi, wasiirka arrimaha dibadda Iran, waxay tageen Cumaan, waxayna la kulmeen wasiirka arrimaha dibadda Badar Busaidi iyo SultanHaitham bin Tariq, boqorka Cumaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles