Thursday, June 25, 2026

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay qorshe lagu wiiqayo amniga iyo xasilloonida deegaannadeeda, isagoo sheegay in hub la sheegay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya soo gelisay gudaha Puntland loo adeegsan karo hurinta colaado iyo qalalaase amni.

Puntland ayaa sidoo kale shaacisay in la mamnuucay joogitaanka ciidamo aan ka tirsaneyn hay’adaha rasmiga ah ee amniga, iyadoo la adkeeyay kormeerka xuduudaha iyo dhaq-dhaqaaqyada la xiriira amniga.

Wararka kasoo baxaya Puntland ayaa sheegaya in maamulka uu ka walaacsan yahay qorshayaal uu ku eedeeyay Dowladda Federaalka iyo dhinacyo shisheeye, kuwaas oo uu sheegay inay ujeedkoodu yahay in la abuuro kala qeybsanaan iyo isku dhacyo beeleed oo ka dhaca deegaannada Puntland.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa ku dooday in isku dayo noocan oo kale ah ay soo jireen muddo dheer, balse aysan guul ka gaarin, iyagoo xusay in maamulka uu diyaar u yahay ilaalinta amniga iyo xasilloonida deegaannadiisa.

Dhanka kale, xaaladda siyaasadeed ee u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa u muuqata mid sii xumaaneysa, iyadoo falanqeeyayaal badan ay tilmaamayaan in khilaafka hadda jira uu la mid yahay marxalado hore oo labada dhinac ay isku mari waayeen arrimo siyaasadeed iyo amni.

Puntland ayaa caddeysay in aysan aqbali doonin wax kasta oo halis gelin kara nabadda iyo amniga deegaannadeeda, iyadoo la sugayo sida ay Dowladda Federaalka uga jawaabto eedeymahan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kheyre”Xasan Sheekh ayaa amray xarigga iyo Xukunka Sacdiyo Bajaaj”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

Maxkamadda G/Banaadir oo 3 Sano oo Xabsi ah ku xukuntay Sacdiyo Bajaaj

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun saddex sano oo...

Xasan Sheekh oo lagu Cadaadinayo inuu soo Bandhigo heshiiskii doorashooyinka Federaalka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu...

Pakistan oo Wafdi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya si loo sii daayo Muwaadiniin la Haysto

Dowladda Pakistan ayaa wafdi diblomaasiyadeed ka soo dirtay dalka...

RW Xamse iyo Qoorqoor oo la Filayo inay shaaciyaan heshiis ku saabsan Doorashada Galmudug

R/Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles