Thursday, June 25, 2026

RW Xamse iyo Qoorqoor oo la Filayo inay shaaciyaan heshiis ku saabsan Doorashada Galmudug

R/Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa la filayaa inay si rasmi ah u shaaciyaan heshiis siyaasadeed oo la xiriira doorashada soo socota ee Galmudug.

Sida ay sheegayaan ilo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, socdaalka Raysal Wasaare Xamse uu ku tagay deegaannada Galmudug ayaa qayb ka ah dadaallo lagu dhammaystirayo heshiis siyaasadeed oo muddooyinkii dambe laga waday masiirka hoggaanka maamulkaas.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in heshiiska laga gaaray arrimaha doorashada iyo kala wareegga hoggaanka Galmudug, iyadoo la sheegayo in Madaxweyne Axmed Qoorqoor uu oggolaaday hannaan siyaasadeed oo lagu maareynayo doorashada maamulka.

Ilo-wareedyo dowladda ka tirsan ayaa xaqiijinaya in kulamo gaar ah oo u dhexeeyay madaxda sare ee Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ay saldhig u ahaayeen heshiiskan, kaas oo la filayo in si rasmi ah loogu dhawaaqo maalmaha soo socda.

Heshiiskan ayaa waxaa la rumeysan yahay inuu door weyn ku yeelan doono jihada siyaasadeed ee Galmudug iyo doorashada maamulka ee soo socota.

Waxaa la sugayaa in madaxda labada dhinac ay war rasmi ah ka soo saaraan natiijada wada-hadallada iyo qodobada lagu heshiiyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kheyre”Xasan Sheekh ayaa amray xarigga iyo Xukunka Sacdiyo Bajaaj”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

Maxkamadda G/Banaadir oo 3 Sano oo Xabsi ah ku xukuntay Sacdiyo Bajaaj

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun saddex sano oo...

Xasan Sheekh oo lagu Cadaadinayo inuu soo Bandhigo heshiiskii doorashooyinka Federaalka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu...

Pakistan oo Wafdi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya si loo sii daayo Muwaadiniin la Haysto

Dowladda Pakistan ayaa wafdi diblomaasiyadeed ka soo dirtay dalka...

 Dhul gariir ku dhuftay Venezuela

Laba dhulgariir oo waaweyn oo ilbiriqsiyo gudahood isku xigay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles