Duqeyn ka dhacday Masaajid Cali Gaduud

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday dhul howd ah oo ku dhow deegaanka Masaajid Cali Gaduud, halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegayaan wararka laga helayo aaggaasi.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Quracda Neyley, oo u dhow Degmada Masaajid Cali Gaduud, halkaas oo la sheegay inay isku aruursanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dad goobjoogayaal ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsaday goob ay maleeshiyaadku ku lahaayeen dhaqdhaqaaqyo iyo abaabul ciidan, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Wararka ayaa tilmaamaya in duqeyntan ay qeyb ka tahay howlgalada cirka iyo kuwa dhulka ah ee maalmihii la soo dhaafay lagu bartilmaameedsanayay fariisimaha iyo dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab ee deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha iyo cidda fulisay duqeynta ayaa la filayaa inay soo saarto dowladda Soomaaliya saacadaha soo socda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles