DFS oo si adag u cambaareysay weerar argagixiso oo ka dhacay Suuriya

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar argagixiso oo ka dhacay magaalada Dimishiq ee caasimadda Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, kaas oo lala beegsaday maqaaxi ay ku sugnaayeen dad rayid ah.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda ay si kulul u cambaareyneyso qaraxaas argagixisanimo ee sababay dhimashada dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyo dhaawaca tiro kale oo badan.

Qoraalka wasaaradda ayaa sidoo kale lagu xusay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tacsi tiiraanyo leh la wadaagayso Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, gaar ahaan qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkaas, iyadoo dhaawacyadana Alle looga baryay caafimaad degdeg ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay garab istaag buuxa la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Suuriya xilligan adag, isla markaana ay mar kale xaqiijinayso taageeradeeda ku aaddan amniga, xasilloonida iyo badbaadada shacabka Suuriya.

Soomaaliya ayaa sidoo kale mar kale adkeysay mowqifkeeda ku aaddan la dagaallanka argagixisada nooc kasta oo ay tahay, iyadoo xustay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee lagula tacaalayo weerarrada lagu beegsanayo shacabka rayidka ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Masar oon oggolaaday in taageero milatari la siiyo Sacudiga

Baarlamaanka Masar ayaa oggolaaday in taageero milatari loo diro...

Katz : Israel ma qorsheyneyso in ay weerarto Iran ka hor dorashada

Wasiirka difaaca Isreal Israel Katz ayaa maanta oo isniin...

Iran oo diiday dalabkii Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ee ahaa in wada-hadal lala yeesho

Maalmo ka hor intii aysan Britain, Faransiiska iyo Jarmalku...

Xasan Sheekh oo mucaaradka ugu yeeray gogol wadahadal oo Muqdisho ka furmaysa

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad rasmi ah...

Firdhiye iyo Abwaan oo heshiis ka gaaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhex taagnaa

Hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles