Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday dhul howd ah oo ku dhow deegaanka Masaajid Cali Gaduud, halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegayaan wararka laga helayo aaggaasi.
Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Quracda Neyley, oo u dhow Degmada Masaajid Cali Gaduud, halkaas oo la sheegay inay isku aruursanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Dad goobjoogayaal ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsaday goob ay maleeshiyaadku ku lahaayeen dhaqdhaqaaqyo iyo abaabul ciidan, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.
Wararka ayaa tilmaamaya in duqeyntan ay qeyb ka tahay howlgalada cirka iyo kuwa dhulka ah ee maalmihii la soo dhaafay lagu bartilmaameedsanayay fariisimaha iyo dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab ee deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha iyo cidda fulisay duqeynta ayaa la filayaa inay soo saarto dowladda Soomaaliya saacadaha soo socda.


