Saturday, July 4, 2026

Midowga Afrika oo ka digtay saameynta go’aanka Mareykanka ee taageerada AUSSOM

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa shir deg-deg ah ka yeeshay mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kaddib go’aanka Mareykanka ee ah inuu joojinayo taageerada saadka ee la mariyo UNSOS marka la gaaro 31-ka December 2026.

Kulanka oo ka dhacay Addis Ababa ayaa waxaa lagu falanqeeyay saameynta amni, saad iyo dhaqaale ee ka dhalan karta hakadka taageeradaasi, iyadoo saraakiisha Midowga Afrika ay ka digeen in arrintan ay si weyn u wiiqi karto howlgalka AUSSOM, isla markaana ay halis gelin karto ammaanka magaalooyinka waaweyn, jidadka muhiimka ah iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Warbixinta kulanka ayaa lagu sheegay in howlgalka AUSSOM uu hadda ku tiirsan yahay miisaaniyad sanadle ah oo gaareysa 190 milyan oo dollar, halka UNSOS ay bixiso xirmo taageero saadka ah oo dhan 502 milyan oo dollar. Waxaa sidoo kale la xusay in boqolkiiba 25 miisaaniyadda UNSOS ee uu Mareykanku bixin jiray horay loo hakiyay bishii October 2025, halka taageerada harsanna la joojin doono dhammaadka sanadkan 2026.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay saddex ikhtiyaar oo waaweyn oo lagu wajahayo xaaladda cusub. Ikhtiyaarka koowaad ayaa ah in la sii wado howlgalka AUSSOM, balse taageerada saadka laga raadiyo dalal kale ama habab kale oo laba geesood ah si loo daboolo baahiyaha gaadiidka, duulista iyo adeegyada caafimaadka. Ikhtiyaarka labaad ayaa ah in la sameeyo howlgal goboleed ka yar AUSSOM oo leh qaab-dhismeed cusub, talis cusub iyo nidaamyo cusub oo saad iyo daadgureyn dhaawacba leh. Ikhtiyaarka saddexaadna wuxuu yahay in si tartiib tartiib ah oo qorsheysan ciidamada AUSSOM looga saaro Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyadda amniga lagu wareejinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya, isla markaana dib loogu celinayo qalabka iyo ciidanka howlgalka.

Golaha ayaa hoosta ka xariiqay in weli aan go’aan kama dambeys ah laga gaarin saddexdaas ikhtiyaar, balse la qorsheeyay hannaan wadatashi ah oo ay ku xigi doonaan shirar farsamo, kulammo ay yeeshaan taliyeyaasha dalalka ciidanka iyo booliska ku leh howlgalka, fadhi gaar ah oo Golaha Nabadda iyo Ammaanka ah, iyo ugu dambeyn shir madaxeed lagu gaaro go’aan siyaasadeed.

Dhanka Soomaaliya, wafdiga ka qeyb galay kulanka ayaa ku baaqay in la sii wado wadatashiyada si xal mideysan loogu helo mustaqbalka AUSSOM, loogana hortago khatar kasta oo saameyn karta amniga iyo xasilloonida dalka.

WARARKII KALE

Xildhibaannada laga soo doortay Puntland oo DFS ku eedeeyay burburinta nidaamka federaalka

Xildhibaannada iyo Senatorrada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Daladda Bulshada Rayidka oo soo dhaweysay dadaallada lagu xoojinayo wadahadallada siyaasadeed ee Soomaaliya

Daladda Bulshada Rayidka ee Soomaaliya ee SONSA ayaa soo...

Farmaajo oo dalka ugu soo laabtay kana qeyb galaya wajiga koowaad ee wadahadallada doorashooyinka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta...

Wafuud kala duwan oo ku wajahan Baydhabo xilli la qabanayo caleema-saarka Aadan Madoobe

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa ku wajahan...

Duqeyn ka dhacday Masaajid Cali Gaduud

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday dhul howd ah...

DFS oo si adag u cambaareysay weerar argagixiso oo ka dhacay Suuriya

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar argagixiso...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles