Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa ku wajahan wafuud kala duwan oo ka qeyb geli doonta munaasabadda caleema-saarka hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).
Madaxda lagu casuumay ka qeybgalka xafladda ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye, iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).
Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in magaalada ay ka socoto qabanqaabadii ugu dambeysay ee munaasabadda, iyadoo la filayo inay gaaraan halkaasi mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale oo badan.
Dhanka kale, ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la kordhiyay feejignaanta ciidamada ammaanka si loo sugo badqabka madaxda iyo martida ka qeybgaleysa xafladda caleema-saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Munaasabaddan caleema-saarka ayaa la filayaa inay noqoto mid ay ka soo qeyb galaan masuuliyiin heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, taasoo Baydhabo ka dhigeysa maalmahan xarun siyaasadeed oo si weyn isha loogu hayo.
Sidoo kale munaasabada ayaa waxaa ay ku soo aadaysa xilli ciidanka Lafta gareen xalay weerareen Baydhabo.


