Farmaajo oo dalka ugu soo laabtay kana qeyb galaya wajiga koowaad ee wadahadallada doorashooyinka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si degdeg ah dalka ugu soo laabtay, si uu uga qeyb galo wajiga koowaad ee wadahadallada doorashooyinka Soomaaliya, kuwaas oo ay garwadeen ka yihiin Dowladda Turkiga iyo Beesha Caalamka.

Wadahadalladan ayaa la sheegay in marka hore ay dhex mari doonaan Guddiga Sare ee Nabad iyo Nolol iyo Guddiga Sare ee Dowladda, iyadoo Beesha Caalamka ay ka qeyb qaadaneyso doorka goob-joogga iyo dhexdhexaadinta.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in wajiga xiga ee wadaxaajoodyada ay yeelan doonaan Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kulamadan lagu doonayo in xal loogu helo khilaafaadka hareeyay hannaanka doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.

Soo laabashada Farmaajo ayaa kusoo aadeysa xilli ay jiraan dadaallo xooggan oo lagu dardargelinayo wadatashiyada siyaasadeed, si loo helo hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay, isla markaana looga gudbo ismari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Masar oon oggolaaday in taageero milatari la siiyo Sacudiga

Baarlamaanka Masar ayaa oggolaaday in taageero milatari loo diro...

Katz : Israel ma qorsheyneyso in ay weerarto Iran ka hor dorashada

Wasiirka difaaca Isreal Israel Katz ayaa maanta oo isniin...

Iran oo diiday dalabkii Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ee ahaa in wada-hadal lala yeesho

Maalmo ka hor intii aysan Britain, Faransiiska iyo Jarmalku...

Xasan Sheekh oo mucaaradka ugu yeeray gogol wadahadal oo Muqdisho ka furmaysa

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad rasmi ah...

Firdhiye iyo Abwaan oo heshiis ka gaaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhex taagnaa

Hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles