Sunday, July 5, 2026

Erdoğan oo u hanjabay Israa’iil

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Sabtidii sheegay in dadaallada lagu doonayo nabadda Bariga Dhexe aysan guulaysan karin haddii aysan helin taageerada iyo ka qaybgalka dalalka gobolka, isagoo sidoo kale sheegay inaan loo oggolaan Israa’iil inay carqaladeyso heshiiska nabadeed ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo wadajir ah oo ka dhacay magaalada Istanbul, kana qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shahbaz Sharif,

“Xal kasta oo aan ku dhisnayn rabitaanka iyo ka qaybgalka dalalka gobolka ma noqon doono mid waara.” ayuu yiri Erdogan.

Turkiga ayaa marar badan ku eedeeyay Israa’iil inay isku dayeyso inay wiiqdo heshiiska u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, kaas oo ay Pakistan door muhiim ah ka qaadatay fududeyntiisa.

Sidoo kale, Ankara waxay si joogto ah u cambaareysay howlgallada militari ee Israa’iil ka waddo Gaza, Lubnaan, iyo Suuriya

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha hirshabelle iyo wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray baydhabo

Wafdiga madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa galabta...

Puntland oo ka digtay in Turkiga ay mashaariic ka fuliyeen deeganadooda

Maamulka Puntland ayaa war uu soo saaray ku caddeeyay...

Wasiir Fiqi iyo Saraakiil ciidan oo tagay Ceeldheer

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi,...

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si adag u eedeeyay MW Xasan Sheekh

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah siyaasiyiinta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha PSF

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles