DF oo shaacisay howlgal ka dhacay Farsoleey oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgal qorsheysan oo maanta ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ka fuliyeen deegaanka Farsoleey, kaasi oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka dowladda, howlgalka ayaa lagu dilay ugu yaraan 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka 20 kale lagu dhaawacay.

Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in ciidamada ay howlgalka ku burburiyeen xarumo iyo goobo ay kooxda u adeegsan jirtay abaabulka iyo qorsheynta falalka amni-darrada, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxda.

Qoraalka dowladda ayaa lagu xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan howlgalada lagu ciribtirayo argagixisada, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Taliyaha ciidanka Itoobiya oo sheegay in la qabtay hub ay lahayd TPLF oo ka yimid Massawa

Dagaalkii socday tan iyo bartamihii bishii Febraayo ayaa keenay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles