Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha PSF

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Korneyl Saciid Cabdirisaaq, oo ah Taliyaha Ciidanka PSF ee Puntland, kuwaas oo qayb ka ah ciidamada ka howlgala deegaannada maamulka Puntland.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, taas oo maalmahan dambe sii xoogeysatay.

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay muddooyinkii u dambeeyay ciidamo ka qoraneysay deegaannada Puntland, arrintaas oo maamulka Puntland si kulul uga hadlay marar kala duwan, kana muujiyay walaac ku aaddan qaabka ay wax u socdaan.

Sidoo kale, maalmihii la soo dhaafay waxaa warbaahinta isku marinayay hadallo adag iyo erayo xanaf leh madaxda sare ee dowladda Federaalka iyo kuwa Puntland, kuwaas oo sii huriyay xiisadda siyaasadeed ee labada dhinac.

Qaabilaadda Madaxweyne Xasan Sheekh uu u sameeyay Taliyaha PSF ayaa kusoo beegmeysa xilli isha lagu hayo xiriirka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland, gaar ahaan arrimaha la xiriira amniga, ciidamada iyo wada shaqeynta heer federaal iyo heer maamul goboleed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles