Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si adag u eedeeyay MW Xasan Sheekh

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook si adag ugu weeraray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay in halkii dalka laga xoreyn lahaa argagixisada, ay dowladdu gashay waxa uu ku tilmaamay “qabsasho dowladeed” (State Capture).

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa su’aal geliyay hal-ku-dhigga “Dal Xoreeye”, isagoo yiri: “Dal miyaa la xoreeyey, mise Dowlad ayaa la qabsaday?” Waxa uu sheegay in shacabka loo sheegay in dalka laga xoreynayo kooxaha argagixisada ah, balse sida uu hadalka u dhigay, qorshaha dhabta ah ee qarsoonaa uu ahaa in la qabsado hay’adaha dowladda.

Siyaasiga mucaaradka ah ayaa sharaxay waxa cilmiga siyaasadda loogu yeero State Capture, isagoo ku tilmaamay xaalad ay koox yar oo siyaasiyiin, ganacsato iyo saraakiil ciidan ah si isku xiran u maamulaan hay’adaha dowladda, una adeegsadaan ilaalinta awooddooda iyo danahooda gaarka ah, halkii ay ugu shaqeyn lahaayeen shacabka iyo danta qaranka.

Qoraalkiisa ayuu ku taxay dhowr astaamood oo uu sheegay in lagu garto “qabsashada dowladda”, kuwaas oo ay ka mid yihiin in xilalka lagu bixiyo eex, qaraabo-kiil iyo daacadnimo gaar ah halkii karti lagu saleyn lahaa, in sharciga si kala duwan loogu dhaqmo dadka awoodda leh iyo kuwa tabarta yar, iyo in qandaraasyada, hantida iyo khayraadka qaranka ay gacanta ku dhigaan koox yar oo isku xiran.

Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay dowladda in baarlamaanka, garsoorka iyo hay’adaha madax-bannaan laga dhigay magac-u-yaal, isla markaana ciidanka loo adeegsaday danaha kooxda talada haysa, halkii ay ka difaaci lahaayeen qaranka iyo shacabka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaas ku daray in doorashooyinka loo adeegsaday sii haysashada xukunka, halka musuqmaasuqa, sida uu sheegay, uu noqday mid baahsan, kalsoonidii shacabka ay luntay, ganacsigii uu burburay, maalgashiguna uu dibadda u baxay.

Xildhibaanka mucaaradka ah ayaa ku baaqay in laga hortago waxa uu ku tilmaamay koox qabsatay dowladda, isagoo si toos ah u weeraray Madaxweynaha Soomaaliya iyo kooxdiisa siyaasadeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles