Wasiir Fiqi iyo Saraakiil ciidan oo tagay Ceeldheer

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, oo uu weheliyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta tagay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo dadaallo lagu xoojinayo amniga deegaanka.

Kormeerkan ayaa la sheegay inuu ujeedkiisu ahaa u kuurgelidda xaaladda amniga, qiimeynta howlgalada ka socda deegaannada gobolka, iyo dhiirrigelinta ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka.

Mas’uuliyiinta ayaa intii ay ku sugnaayeen Ceeldheer kulamo la yeeshay saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada, iyagoo ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda amniga, horumarka howlgalada socda, iyo baahiyaha jira si loo sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada laga xoreeyay Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka XDS ayaa sidoo kale bogaadiyay geesinimada iyo naf-hurnimada ciidamada ku sugan furimaha hore, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed.

Kormeerkan ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay sare u qaadayso howlgallada militari ee ka socda qaybo kamid ah gobollada dhexe, kuwaas oo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles