Puntland oo ka digtay in Turkiga ay mashaariic ka fuliyeen deeganadooda

Maamulka Puntland ayaa war uu soo saaray ku caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan maareynta, ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dhulka iyo badda Puntland, isagoo sheegay in aan wax hawlgal, maalgashi ama heshiis ah laga fulin karin deegaannada Puntland iyada oo aan fasax iyo oggolaansho hore laga helin hay’adaha maamulkaas.

Puntland waxay si gaar ah u xustay in shirkado shisheeye ama kuwo dowladeed, oo ay ku jirto SOMTURK, aysan wax hawlo ah sida maalgashiga kalluumeysiga, ilaalinta xeebaha ama adeegyo kale uga fulin karin badda iyo dhulka Puntland iyaga oo aan marka hore oggolaansho ka helin hay’adaha Puntland ee ay quseyso.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan sharci ahaan awood ugu lahayn inay bixiyaan heshiisyo ama tanaasulaad la xiriira deegaan iyo bad ku jira xadka Puntland, iyadoo Puntland ku doodday in arrimaha kheyraadka lagu saleeyo dastuurka ku-meel-gaarka ah ee federaalka iyo dastuurka Puntland.

Puntland ayaa ka digtay in cid kasta oo ka hawlgasha dhulkeeda ama baddeeda iyada oo aan fasax ka haysan maamulka ay la kulmi doonto tallaabooyin sharci iyo kuwo kormeer ah oo waafaqsan dastuurka iyo sharciyada Puntland

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles