Wafdiga madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa galabta waxaa garoonka diyaaraddaha Shaati-gaduud ee magaalada Beydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Sheekh Aaden Maxamed Nuur.
Madaxweynaha ayaa ka qeybgali doono munaasabada caleema-saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo berri ka dhici doonto magaalada Beydhabo.
Ugu dambeyn Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa kaga mahadceliyey dhiggiisa iyo shacabka Koonfur Galbeed soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay.


