Thursday, July 9, 2026

FBI-da oo liiska dadka musuqmaasuqa loogu doonista badan yahay ku dartay Fahad Mohamed Nur

Hay’adda Dambi-baarista Federaalka Mareykanka (FBI) ayaa liiska dadka loogu doonista badan yahay ee dambiyada khiyaamada iyo musuqmaasuqa ku dartay Fahad Mohamed Nur, kaas oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa qorshe khiyaano ah oo lala xiriiriyay lunsashada lacagihii loogu talagalay Barnaamijka Nafaqada Carruurta ee federaalka Mareykanka xilligii cudurka COVID-19.

Sida ku cad xogta ay soo saartay FBI-da, Fahad Mohamed Nur ayaa lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa qorshe lagu khiyaameeyay barnaamijka quudinta carruurta, kaas oo loogu talagalay in lagu caawiyo carruurta iyo qoysaska nugul intii lagu jiray xaaladdii degdegga ahayd ee safmarka COVID-19.

FBI-da ayaa sheegtay in kiiskan uu qeyb ka yahay baaritaanno ballaaran oo Mareykanka ka socda oo la xiriira eedeymo musuqmaasuq iyo lunsasho dhaqaale oo lagu sameeyay barnaamijyada gargaarka dowladda intii lagu jiray xilligii safmarka.

Hay’adda ayaa tilmaantay in Fahad Mohamed Nur uu baxsad yahay tan iyo sanadkii 2022, waxaana lagu daray liiska Most Wanted Fraudsters si loo xoojiyo dadaallada lagu raadinayo iyo sidii loo heli lahaa xog horseedi karta qabashadiisa.

FBI-da ayaa sidoo kale ku dhawaaqday abaalmarin dhan 150,000 oo dollar oo la siinayo qof kasta oo bixiya macluumaad la xaqiijin karo oo horseeda in la qabto Fahad Mohamed Nur iyo in tallaabo sharci ah laga qaado.

Hay’adda Mareykanka ayaa shacabka ugu baaqday in cid kasta oo haysa xog ku saabsan halka uu ku sugan yahay ama dhaqdhaqaaqiisa ay la wadaagto FBI-da, iyadoo aan qofku isku dayin inuu isagu si toos ah ula macaamilo qofka la raadinayo.

Fahad Mohamed Nur ayaa hadda ka mid ah dadka ay FBI-du si gaar ah u baadi-goobeyso, iyadoo kiiskan uu qayb ka yahay dacwadaha waaweyn ee Mareykanka ka furay eedeymaha la xiriira musuqmaasuqa barnaamijyada taageerada bulshada xilligii COVID-19.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarriga ka jaray Taliska Guutada 77 ee xoogga dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Golaha Wasiirrada oo ka digay khatarta roobabka El Niño, ansixiyeyna heshiisyo caalami ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii...

Midowga Afrika oo ku baaqay in la xoojiyo taageerada howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU), Mudane Mahmoud Ali Youssouf,...

Hindiya oo dib u celisay afar kalluumeysato oo ku xannibnaa Soomaaliya

 Afar kalluumeysato oo u dhashay gobolka Tamil Nadu ee...

Madaxtooyada iyo mucaaradka oo Muqdisho uga furmaya wada-hadallo lagu xallinayo khilaafka doorashooyinka

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmaya wada-hadallo siyaasadeed oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles